Camiil
(1)
Hadaad caarif tahaygabayga baan cudur
ka muuqdeene
(2)
Cibaarooyin naafaysanoo
culus ma
keenteene
(3)
Calas baad maleysaye dadkii
calowga sheeg sheegye
(4)
Caana dhay ah kii lagu habaa ciirta
qabanwaa e
(5)
Inaad “cay” ku shiikh tahayse waa la
citiraafaa e
(6)
Ceebo loo tartamo iyo markay casinimo
joogto
(7)
Inaan cidi ku gaareynin baa la
carrifaayaa e
(8)
Calankow siddaa baa
layiri ciidankaad tahay e
(9)
Aniguna codkiinaan rabaa
inu caddaadaa e
(10)
Caliim waa awoodaa inuu
cudur ku zuulaa e
(11)
Cilmi laysu sheegiyo xiwaar
waad kacarar teene
(12)
Caynka gabaygu “cawil” how noqdee yaan
la caajisine
(13)
Xaqa waa cadeeyaye adaa
cay u jeensadaye
(14)
Adaa ceebo doonee dadkii
maqal codkaygiiye
(15)
Ma caddaalad falo ruux hadduu ciil
xun kuu qabo e
(16)
Inaannaan culuum qarinahayn caarif
wow tahaye
(17)
Cajal duubnayaa ama kitaab ugu
caddayn naaba
(18)
Ama bayt camiranoo masjida
casharra dhiibnaaba
(19)
Waa cibaado nagu waajibtoon
cid uga yaabayne
(20)
Bal maxaad la cadanyoon xaqaan ciidan
kii nahaye
(21)
Hays cabeebin cay laguma helo caano
iyo khayre
(22)
Hana cararin waa “diin” waxaad
cadow sanaysaaye
(23)
Cariiqsigu wuxuu kaa ridaa cal
iyo buur dheere
(24)
Wax caddayso maantaad adduun caga
ku haysaa e
(25)
Caqiidadu haddey leexataan camal
samaanayne
(26)
Cilmiguusan garan jaahil baa cay
ku qaabila e
(27)
Isagaa is cirib goyn intuu caabiddiin
duri e
(28)
Cinda llaahi baa looga ridi meel
ciriiriya e
(29)
Ma caroonno juhaladu hadday nagu
cayaaraane
(30)
Runta baan caddaynnaa markey caytama
hayaane
(31)
Kuwo ceelal noo qodahayaan casharra
siinnaa e
(32)
Oo calool samaannaa hadday ku
cafimaadaane
(33)
Cadow baa na soo galay markaad caammada
usheegi
(34)
Anaa ciidda kaa xiga markaad soo
celcelinaysid
(35)
Sidii aan cid kaa dilay markaad ciil
galgalanaysid
(36)
Waa cashiiradee reerahaad igu cabsiinaysid
(37)
Adigaaba cadowgaa batoo caafimaad rabeye
(38)
Adaa cudud laguu sheeg tayoo ciirsanoo
jabane
(39)
Caday kaama sidannee maxaad caawa
nagu maagtay
(40)
Caabiddiin maxaa kugu sal laday caasiyaal
badane
(41)
Bidco ruux ka ciishaysan iyo
(42)
Cawa
(43)
Citiqaadka niman kii ka lumay lama
cun teeyeene
(44)
Cilaaqaatka uma xoojiyeen kii
cilmaaniya e
(45)
Xunufaada cadow soo galiyo colal
ma moodeene
(46)
Codad kooda goortuu maqlaba cara
ma fuusheene
(47)
Ceebo aan ilaahay ku ridin kuma u caayeene
(48)
Sidii camar abuu jahal intaa col
uma joogeene
(49)
Curaddada tolkaa maalintaad cara
u leyneysey
(50)
Cilmigee ku dirirteen ragbaa kuugu
ciil qaba e?
(51)
Ma ciddaa kufriday oo jihaad baad
u cararteene?
(52)
Oo cilmaad daboosheen markaad cudud
u weydeene?
(53)
Ma ciddoo islaamaad sidii cadaw gumaadeysey?
(54)
Sow khawaarij camlkeedi iyo carashadeed
maaha?
(55)
Mase waa carruur dhiriftay iyo jirri
colaaddeede?
(56)
Waa ceebo laga soo gudboo waa
cisyaan hore e?
(57)
Cayn walbaba la moodyow adaan caga sugnaanayne
(58)
Caqiidada midda ahayd adaa cadad u googoyne
(59)
Hadba calan ka meel surahayoo casarba
meel geyne
(60)
Caammadi wareertaye maxaad caawana
usheegi?
(61)
Maantana camiil maad u tahay duul cilmaaniya e?
(62)
Rabbi qeyrki kuwo caabudaad u cudur daartaane
(63)
Rag towxiid u ciidaminayaad cadow sanaysaane
(64)
Cudurkiina kii garanayaad ka cararaysaane
(65)
Masjidkaad col mooddeenna waa ceeb
horloo timide
(66)
Waa cajaaib iyo yaab waxaad la
cartameyseene
(67)
Cirifyada magaalada la yaab ciririq diinnii e
(68)
Cad miyaad wadaagtaan “Abraha” ciidan
kuu wadeye?
(69)
Nin casiis la meel yahay ayaan laga
cid roonayne
(70)
Xaqa niman u ciidaminhayuu Caalim
soo diraye
(71)
Cindallaahi baa laga fashilay caasigii shiraye
(72)
Annagunaa cibraan baran nay iyo cadowga
qaarkiise
(73)
“Ciso” baan ka qaadnaa markaad cayda
badisaane
(74)
waa taa carruuruhu arkeen cudurradiinnii e
(75)
Culumaa ku sheeg baa la yimid talada
ceeriine
(76)
kuwo maduxu cawsoobey baa ceebahaa
dhigaye
(77)
Ninka “Bayt” cammiran oo masjida col
u qal qaalaaya
(78)
Cod walboo kasoo yeera waa ii dhurwaa ciyeye
(79)
Wacdigiyo canaantiyo hadduu caafiyada
diido
(80)
Calooshaba ka goo waxaan ahayn kagama
ciil beelo
(81)
Cilmigay qarshaan waydin kii waa ku caytamaye
(82)
Maantaan caddaynaye maxaa cudurka loo qaaday?
(83)
Sida caamma dhega weyn maxaa carada
loo muujey?
(84)
Cabbaar yara an hadalnee maxaa culumo
loo waayey?
(86)
Calaamado cilmigu sheegayoo laga cabsoodaaye
(87)
Ninkii carrasamaad mooda oo caasha
geliyaaba
(88)
Cinda llaahi waxa loo yaqaan caasi
iyo gaale
(89)
Ruux lama cayimin ee sifuu ku
callaq naadaaye
(90)
Cidna lagama leexinahayee arrintu
waa caame
(91)
Cafin waa ka xaaraan shirkiga caasigii
gala e
(92)
Anbiyada cilmiga keentay waa ka
cabsanaayeene
(93)
Caasiyada kufriyeyoo Ilaah caradi
raacayso
(94)
Camalkoodu baaba’ay haddaan
diirka ka caddeeyo
(95)
Kuwa Ciise caabudahayiyo
(96)
Cabdulqaadir jaylaani
iyo culumadii diinta
(97)
Cidda odayadeedii horiyo niman
cafaariida
(98)
Qubuuraha cukuufaaya oo
cood ka jirinaaya
(99)
Cilmaaniyadu niman kay u tahay caado
loo bogey e
(100)
Cilmigii qur aankiyo kategey camalki
diineede
(101)
Kuwa diinta ceebeeya oo caaya Nebigeenna
(102)
Nin walboo an cadaw moodahayn gaalka
caasiyeye
(103)
Ama qaar cawaansanahayoo
cizo ka doonaaya
(104)
Baraa’ada ka caajisay markay wax
u caddaadeene
(105)
Cindi gaabku wow bogahayaa camalladiisaase
(106)
Isagoo caqiidadi lunshuu khayr cabbirayaaye
(107)
Cilmi doonan maayiyo maxaa loo
cuskanayaa e
(108)
Caadada ka guur waxey la tahay cara
ilaahaye
(109)
Caarifkii hanuuninahayuu cadowgi moodaaye
(110)
Ceebo kuuma wayiyo inuu beenta curiyaa e
(111)
Camar iyo cuqbiyo waa waliid camalladoodiiye
(112)
Caasi waail kiishaabbahaa ciribti
waa hooge
(113)
Cibaadada siyaam kiyo markii ciid
la filanaayo
(114)
Cadli ama cadleyn baa shardaya oo
cilmiyo diine
(115)
Ama soddon cawiyo waa adoo caddadka buuxshaa e
(116)
Cirka eegta mooyee ma maqal Carabta
waydii e
(117)
Cunsur looma leexshee allaa laga
cabsoodaa e
(118)
Xaaraan intay wada cunaan ciidna lagu sheego
(119)
Caawaday kulaba tahay hadday curashadii
diiddo
(120)
Caadna muuqanayn sow wadaad ceebi
(121)
Waa cajaaib iyo yaab inaad kala
codlaysaane
(122)
Ciiryaamo iyo haysku qarin ciiro
iyo qiiqe