Dareen Culus
2)
Iska daayey waayadan danboo diiradii
dhigaye
3)
Isagoo an duugoobin oo dayax sidiisiiya
4)
Oon iga daboolayn
marbaad kala dayootaane
5)
Ayaan diiday tirintiisiyoon aamus door bidaye
6)
Ha yeeshee waxaaa igu dirqiyey iina
diray haatan
7)
Dad bukoo suntii dili lahayd lagu dabiibaayo
9)
War ka daaya ruuxii yiraa loo darbado ciidan
10)
Dunuunuca afxumo lala ordiyo doqon
hinraageeda
11)
Colaadaa an daalacan karee dibada
taal taalla
12)
Ee laysaga dar daarmee
ilmaha looga digo qayrka
13)
Ee laygu dayriyey ayaan dood
ka leeyahaye
14)
Ninka cayda soo diray isagu waa damiin
falane
15)
Dockalaanba uga bayrayayaa doqonta
yeelkeede
16)
Nin Ilaah dulmiyey yaan cidkale daawo
gelineyene
17)
Anigana digniintaan sidaa
daqar
xun gaarsiine
18)
Sidaasuu ku dilanyoo waxkale umadireen kaase
19)
Dadka kii wax garanaaya baan dulucda
gaarsiine
20)
U diyaagarooboo dhegtiyo laabta
sooduwae
21)
Wardadyohow Ilaahii lahaa dunidan
aad joogto
22)
Duunyada banaankiyo intii duusha samadaaba
23)
Badda daakhilkeedaa naflaha biya
ku daanshooda
24)
Nimcooleyda aad daaqsatoo darar
ku maaleysid
25)
Daruuraha Ilaah soorariyo roobabkaa da’aya
26)
Dalagaa labeertee arlada wada dillaamaaya
27)
Dockastaba waxa kaajiree Eebbe kugu deyrey
28)
Cidla laguma daadine u faham dowgalbaa
jira’e
29)
Adigaa durdurinaaya ee dooda celinaaya
30)
Jinigaa dabeylaha ordee daafta sare meera
31)
Labadaa diyaar looga dhigay wixii
ay doonaane
32)
Danta loola jeedaan dayohow idin
dareensiine
33)
Rusushii Ilaah soo diraye diinta
lala keenay
34)
Ee dunida soo maray taniyo Aadam
dabadiiba
35)
Dacwadoodu waa Eebbe oo laga
danbeeyaaye
36)
Dalabkiyo baryada ruuxa maqan daacaddiyo
raaca
37)
Ilaah kale ayey diidayeen dadkoo caabuda’e
38)
Towxiid ayey doonayeen loona soo diraye
39)
Shirkibey kadigayeen Allaa diidey waa hore’e
40)
Waana laba dariiqoon is gelin daa’in
abidkoode
41)
Habka loo diyaarshaad kagaran daarta
aakhiro’e
42)
Dablashiday danbaaburo holcaya daakhil
& guudba
43)
Oo dogobyo waaweyn leh baa loo
darbaday daalim
44)
Lagumana dulmine waa halkuu doortay
waahore’e
45)
Mukhliskana dadaalkuu faliyo daacadnimadiisa
46)
Dumar xuuralceyniyo jannaa loo
diyaariyeye
47)
Niwalbow halkaad dooratiyo adiyo
dookhaaga
48)
Intaas dulucda maansooyinkiyo dibad
bexeedii dheh
49)
Dubeheeda meeshaan larabey Daa’im
ku abaarye
50)
Daliilkii raisaalada Aliyo gabay
dadaalkii dheh
51)
Nin damiina mooyee cidkale daawa
gelintii dheh
52)
Digarogashadeydiyo markale dihashadeydii
dheh
53)
Arin kale ayaan doonayaa inaan
dillaacshaaye
54)
Su’aal madaxa iga daalisiyo doodaan
garan waayey
55)
Dimoqraadi waa maxay ragbaa daafacoo
sida’e
56)
Shacabkii ayaa doonayoo dortey oo raba’e
57)
Oo dibad baxyoonaaya’oo galay dadaal weyne
58)
Horta yaa dejiyey waa inaan daaha kuu furo’e
59)
Waa shey da’a weynoo marhore qolo
ay doorteene
60)
Xidigaha dad caabuda ayaa furay dariiqaane
61)
Dulucdana giriig baa lohoo cidi
u diideyne
62)
Roomaan ayaa soo dallocoo keenay
dunidaane
63)
Dibbaa loo habeeyoo kufrigu wada
daliigeeye
64)
Sidaasuu dalkeenana ku yimid loo
diyaar noqoye
65)
Birtaan daabka heystiyo fartii aan daro’e
66)
Dad islaamka shegtoo hadana diidan
dhaqankiisa
67)
Oo doortay gaaladu waxay diin ka dhiganeyso
68)
Duul habowsan weeyee anaa samir
ku daaweyne
69)
Islaanimo dal maahiyo astaan diirka
& muuqa
70)
Mar haddii iyaga laga dedee laga
dabool saaray
71)
Anigaa dareensiinayee diini waa dhaqane
72)
Waa nidaam dastuur & fariin Eebbe
soo diraye
73)
Dad ninkii aqbalay yaa islaam doortay
oo raba’e
74)
Duulkale ayaa diidayoo doonay
gaalnimo’e
75)
Iyagaa dabeed soo unkaday waxay
dan moodeene
76)
Asalkey kukala duwanyihiin labada
diinoode
77)
Ninwalbow middaad dooratiyo adiyo
dookhaaga
78)
Midkaloo kadaran yaan rabaa inaan
dillaacshaaye
79)
Oo aanan deynkarin marnaba waa
dareen culuse
80)
Oon laga digtooneyn balaan soo
daleel dhigo’e
81)
Dadaad culima mooddoo habkiyo muuq
ku derejoobey
82)
Hoostuna dalooshoo jahligu degey
quluubtooda
83)
Oo dooda cayda ah ku filan duul wax laga sheego
84)
Anigana idaandaansadaa geli dantoodiiye
85)
Aarsi doonna maahiye waxbaan yare dareensiine
86)
Kuwii Cali dagaalaad aniga igu
duqeyseene
87)
Sidaad ugu degdegi daahirow ani duriinkeyga
88)
Eed kuwa qabuuraha degee deeq
ka filanaaya
89)
& kuwa shareecada delegan diin kadhiganaaya
90)
marna aadan dareemeyn adey daanadaa
tahaye
91)
shirki duul kudhaqanbaad aniga daa
ileedahaye
92)
danbi kuma aan heystee adaa rogey
daliilkiiye
93)
baraa’ada maxaa loo dafiray Eebbe
noodiraye
94)
masjid doodo laga jeediyiyo carab
dilaalkeeda
95)
daaraha mashquul laguyihiyo duunyo
dhaqadkeeda
96)
ubad dirashadiyo meelahaa dibad
wareegiinna
97)
dul salaaxa qurun daawashiyo degen
u qiiroodka
98)
dakanadii shalaa diidantihiin inay
dilaacdaaye
99)
dad cabsidii miyaa looga tegey diintii
Eebaha’e
100) daalimnimo
haddey idinka tahay daniyo xeeleysi
101)
asaad towbadii diidantiin dibu jaleeceeda
102)
inuu Eebehey idinkudeyn diinta kumataale
103)
dulmigiinna sii wada berraad dib
u shalaytoone
104)
debadaha ka qeyliya afxumo waad
ku darartaane
105)
dadka inaan beqeyniyo ku dhaha waa
damiin wuxuye
106)
idinkoon nadooneyn fariin
dadab
u tooreysta
107)
goortii xiwaar laga dalbana diide
maqashiiya
108) rabbi baa
na daalacanayee daniyo yeelkiina
109) hadayse
daacad kaa tahay inaad diintii garan wayday
110)
rabbi baa qur’aan soo dejoo doortay
nebigiiye
111)
sunnadaa nadeeqdiyo asxaab Daa’in nagu dhawray
112)
culimada dadaashaa ku filan dow
ninkii raba’e
113)
duruustii laqoray yaa arlada daadsanoo
qubane
114)
dadku dhaqanka diid ee sikale wow
dareeriyiye
115)
taariikh aan duugoobin baan weelka
kuu dariye
116)
abuubakar dadkuu laayeyee geliyey
duulaanka
117)
ilaah kale madooneyn iney uba dulloobaane
118)
dahaarada salaadiyo xajiyo soon
madeyn jirine
119)
bakheylnimo daraadeed haddii loo
dalbaday ciidan
120)
damacbaa ku qaadaye majiro
daa
ninkood yiriye
121)
museylama kuwii daahirsheye doortay
magaciisa
122) ee dibkii
rasuulkii u qiray diin in lala keenay
123) sidoo
kale dagaalbaa dhiciyo duulal baaba’aye
124)
colkalaa kuwaan nooga daran jooga
dibaddaane
125)
war kadaaya ruux yiri majiro doodna
keensadaye
126) maadigaa
daliilkeed hayoo diinta ka aqoo og
127) waxaad
aniga igu diidantahay raad an daba joogo
128) dabkii
129) saxaabadu
kuwii ay dishaad duruq ku sheegtaane
130) Tataarkii
kuwaanaa kadaran aad dugaashaniye
131) Dufkubaxa
e iska fiiriyaay duulku waa halise
132) Adaa doon
lasaarane anigu diidey dhaqankoode
133) Intaad
dabac u baartaan nafluhu kala damiir roone
134) Bal
daraasadeeyoo shirkiga hela dariiqiisa
135)
Ehelkii wixii loo darbaday diinta ka ogaada
136)
Idinkey dantiinnii tahaye dowga qabadsiiya
137)
Durdurada ka fiirsada haddaad dunida
joogtaane
138)
Oo daya baraa’ada Rabbaa doonay dhaqankeede
139)
Ama diida waanadan sidoo cay
la dabandeeba
140)
Dabadeed wixii nagu dhiciyo daa’irada
dhowra
141)
Nin Walbow middaad dooratiyo adiyo
dookhaaga