HA IS CAJABIN
ma caytamo “wadaadow” ninkii ceeb
ka yaab ihiye
Markaan culumo idin moodno baad caammo noqtaane
Caabidiinta kaa maqan inaad caydo waa halise
Ma caraatan baa lagu furaa
ciidda Ramadaane
¯¯¯
Cilmi haddii ad dheer tahay naflaha waa la celiyaaye
Cudur laguma sii beero iyo ciil
an baxahayne
Colaad lama horkaco waa ibliis camalladiisii e
Casabiyiyo waa laga durkaa cido la maagaa e
¯¯¯
Waa lagu cadaab
mudanayaa been
la curiyaa e
Xantu waa “cad” xaaraana iyo caasinimo weyne
Ciriiriga qabriga baa ku xiga cayshadda
adduune
Hays cajabin wadaadow addoon caajisaa tahaye
¯¯¯
Waa cashiira qura aadmigaad cida
cidaysaane
Ciiddana “Cismaan” ma laha iyo cidaha qaar koode
Rabbi kii ku caabudahayaan cidi u diideyne
Cilmigii halkee idinka maray cajabe waa yaabe
¯¯¯
Caqli aan cilmigu toosineyn waa
cidloo kale e
Caalimkii habaabaa dad buu cala
ka tuuraa e
Hadba calanki loo lulo ayay caamma
dalabtaaye
Rabbiyow cidaha wow baqnaye caymi
taladooda
¯¯¯
Cilmi layska qariyaana waa camal
yahuudeede
Cibaadada Ilaah looma rogo cayshad
nololeede
Niman baaba casharkay dhigaan cood
yar dhaafsada e
Iyagaa canaan weyn mutaye maa
la soo celiyo
¯¯¯
Cilmi iyo taqwiyo diin ninkii lagaga caal waayo
Inay talo la caariyi Ilaah caadil
baa dhigay e
Goortay cuquubadu heshuu soo
calaacaliye
Cibra qaata maantaad adduun caga ku haysaane
¯¯¯
Caqiidada xaqa ah waa Ilaah caabud
keligiise
Shirki “cayn” walbuu yahay inaad ka
cafimaadaa e
Nebigii cadnaaniga ahaa la
citiqaadaa e
Rabiyow cilmigi waa helnaye camalka
noo toosi
¯¯¯