Iimaan
af uun kuma ekiyo erey la sheegtaaye
1)
Alxamdu lillaah iimaanku waa hibo ilaahay e
3)
Ehelaan ku siinaynin
iyo aabbe
iyo wiil e
4)
ixsaan laguma soo helahayiyo iibsashiyo beec e
5)
awood laguma soo leexsadiyo ururro waaweyn e
6)
ikhtiyaarku idinkii alluu ku
imanaayaa e
7)
isagaa na uumoo ogsoon kii
istaahila e
8)
intuu uurka hooyadi jiraa la
aktubaayaa e
9)
dibna amarradiyo aayaddaa lagu
ilhaanshaa e
10)
istiqaamo
11)
ayidaad ilaah baa jirtoo lagu
adkeeyaa e
12)
insigiyo jinniga iishaybaa laga
ilaashaa e
13)
Ibliis baa ku daalaaya iyo ururradiisii
e
14)
waa udub an liic liicin iyo buur adayg badane
15)
waxa uu iftiinsanahayaa addillo waa
16)
ifkigiyo shubhada aywadaan waa
arkahayaa e
17)
afkaar gaalo uma dhuumatiyo ereyo
shaydaan e
18)
akbarkii shirkiga lama tusiyo eheladiisii e
19)
uduufadi habowdiyo ma galo aragtidoodii
e
20)
ibtidaaca
idilkiiba waa ku inkiraayaa e
21)
alle weeye owliyadiyo eheladiisii
e
22)
aayaddiyo isagaa aqbalay amarradiisii
e
23)
allow iga dhig iimaan nin lihi waa aflaxayaa e
24)
allow iga dhig
25)
iimaanka adigaa baxshoo Uunku kaa sugin e
26)
aadane ma qaybsheen hadii laga
adeejaa e
27)
eexashada ma daayiyo kanaa ina
adeerkay e
28)
awood li’ida laga yeelay waa mahad ilaahay e
29)
oraahdeeda maansada marbaa la
isticmaalaa e
30)
hadii aad ilaahay dartii ugu
hadlaysaa e
31)
haddii aad acdaa’diisa badan ku afxiraysaa e
32)
adoon ka inxirafayn cilmiga addilladiisii
e
33)
“xassaan” baa aqoontiisa
gabay lagu ogsoonaa e
34)
“ina Maalik” baa laga arkiyo ina Rawaaxeeda
35)
asxaab weeye iimaan
leh iyo niman ansaareed e
36)
iyagoo ag joogay “Rasuul” aad
u tiriyeen e
37)
asaaliibta gabayada ninkii aada
ma aheyn e
38)
maantana ilaahbaa qadarey inaan
iraahdaa e
39)
rag aan aayad garanaynin baa oriyey mooyaan e
40)
waqtigayga kuma iibiyeen ereyadiisii
e
41)
inamada na eedaynayoo na
afxumaynaaya
42)
iyagoon aqoon noolahayn nagu
abyoonaaya
43)
oo aamus laga waayaybaan ku
abhinaayaa e
44)
islaam nimana wow sheegi iyo arrimo diineed e
45)
waxaan uur ku hayn waayey baan u aqrinaayaa e
46)
Rabbi waa awoodaa inay ku
intifaacaan e
47)
indhihii daboolnaana ay arag ku yeeshaan e
48)
Islaamkiyo u soo wada noqdaan addiladiisii e
53)
Ibliiskuba ma diideyn inuu erey
yiraahdaa e
54)
Aakhiriyo Ilaah waaxidaba
waa ogaan jiraye
55)
Waxse eel qabsaday waa markuu diiday
amarkii e
56)
Isla weynidii baa hodiyo
asal ku
faankii e
57)
laa ilaaha illa laahu waa
asalka
towxiide
58)
hadii ay ikhlaas wadato bay ku
anfacaysaa e
59)
shirki looga soo ururayiyo eheladiisii
e
60)
hadii kale oraah
weeye aan uurka kaa jirin e
61)
Ashahaado aan wadan ikhlaas ma
aha iimaane
62)
Mar haduu ishraak jiro waxaa lumay oraahdii e
63)
Wixii aad acmaal suubisuu eber
ka yeelaa e
64)
Iska jira dabinkuu ibliis aasay
waysaga e
65)
Rabbi amarradiisiyo adoo aayadaha
diidi
66)
Islaamnimada aad sheegataa waa
af iyo beene
67)
Waa amaanidii reer yahuud ku
ibtiloobeene
68)
Waxba yaan “irjaa” lagugu sirin yimid iftiinkii e
69)
laba bay anwaacdiisu tahay aadanoo
idil e
71)
jannadii udgooneyd inbaa abid
ku noolaan e
72)
inta kale cadaab ololi baa lagu
illaawaa e
76)
Ha adeecin buu yiri intii
iilataa badane
77)
“Sumar” iyo “ancaam” iyo “axqaaf” Ururshe tawxiide
78)
Akhbaaraha “acraaf” iyo ku yaal aayadaha“Huudba
79)
“Anbiyiyo” “Ikhlaas”
iyo intii ururka xaamiima
80)
Waddaday “Israa” iyo “furqaan” nagu abbaareene
81)
Albaqriyo”
aqoontiyo cilmiga
Aaddan lagu sheegay
85)
Istiqaama mooyee wax kale nama
amraayaane
86)
Shirki iyo waxay naga eryeen eheladiisii e
87)
Xujadaa ebyoonaatey iyo aayadaha muuqday
90)
Ictiqaad xun baw baxay markay asalki
tuureene
91)
Anwaacdii shirkiga oo dhan bay aaminahayaane
92)
Odayey ilaaheynayaan Owliyiyo
shiikhe
93)
Addoon suubban “Jeylaani” waa loo aqoon jiray e
94)
Shirki laguma eedeynin iyo iilashiyo
ceebe
95)
Islaam iyo wuxuu uunka baray aayad
iyo diine
96)
Maantana “Ilaah” oo kalaa qaar
ka aaminay e
97)
Qabrigii Awees dheere baa
la ictikaafaa e
98)
Uluuf iyo uluuf buu nafluhu ku
ururaayaa e
99)
afaaciil ilaah necebyahay ku
ag sameeyaane
100)
Owlaad iyo wax laga dhowrayaa ariyo geelii e
101)
Barkhadlaa umuuraha culcul loo
irkanayaa e
102)
“Heemaa” la aga yuururaa odaga Baar dheere
103)
“Ina
Faarax aw- jabarti” iyo
“Ooyaayiyo Nuure”
104)
”Ow-Cismaanna”waa imanayaan ururka
sheydaane
105)
Arligeeni Awthaanti bay Aad
u badiyeene
106)
Iyagiyo asnaamtii “Qureysh” Waa isku axkaam e
107)
Allow suuli amarkaagi bay ku
iftiroodeene
108)
Allahayow rag iimaan lehoo adag
u soo aadii
110)
“Barzakh” lagu albaabaa jiroon axadna dhafeyne
111)
Ergo kuma maqnee aakhiray u
intiqaaleene
112)
Arwaaxdoodi waa lala tegoo oogadii
maqan e.
114)
Abaalkay lahaayeenna waa wada arkaayaane
115)
Waxay ku istareexeen jannada udugga weyneyde
116)
Ama ololka naareed ayey ku
indha beeleene
117)
Idinkaa is daalinahayee Arrimihiin
mooge
118)
Hadii ay itaal leeyihiin iil
ma geliyeene
119)
Aboor kuma idleysteen qabriga owdan gudihiisa
121)
Ninka eheladiisii gaboo iilka
yara jiifa
122)
123)
Awoowow hadaad leedihiyo owliyooy
kaca e
126)
Inaad uunka akhiro wacdaa waa
islaam li’iye
127)
Axkaamtii adduunkiyo ka tage arrimihiisii e
128)
Sidee kuu ajiibaa hadaan ereyba gaadheynin
129)
Ilaahii iyaga uumay baa oofsadoo
dilaye
130)
Irzaaqdii addoonkiisa waa kii
ogaan jiraye
131)
Aadane muxuu ii taraa aakhiro
u guray
132)
Afkaartii maxaa rogay caqliga aragtidiisii e
133)
Suufiya axwaasheedu waa aafo
iyo ceebe
134)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
135)
Adillada ma dideen cilmiga loo
akhrinayaa e
136)
Bal maxay Islaam ula bexeen weys arka hayaane
137)
Iska jira ilaahnimadi bay Axad
u diideene
138)
Iska jira waxay uunka geyn ololka
naareede
139)
Iska jira shayaadiin insigu waa
anfaca done
140)
Iska jira askartii ibliis ururshey weeyaane
141)
Dawladihii Islaam sheegan jiray waanu aragnaa e
142)
afka dhaafi waa ereyadey ku
andacoodeene
143)
Kufri baa aqoon looga dhigay la ictiqaadaa e
144)
Ujeedooyin kooduna ma aha inay
islaamaane
145)
Astaan weeye aan agab lahayn umuradoodii
e
146)
Aqoon laaweyaal aan talada aaddan
garanayne
147)
Waa niman qalbigu owdmey oon aayad
galaheyne
148)
Iyagoo indhaha beeley bay amagsanaayaane
149)
Sharcigii abbaaraa ayay aga
maraayaan
150)
Ilaah ay adeecaan ma jiro Orobbo mooyaane
151)
Ilbaxnimo waxay moodayaan waa
indha la’aane
152)
Afkaar weeye gaal ururshay iyo tala ibliisaade
154)
Waa wada adoon jilicsan iyo ey rabbaayada
155)
Istiqlaal maloo odhan mayaan sida abbaareyde
156)
Orgi geesalaa dhaama iyo owrka
reeraha e
157)
Iyagoo Ilaahood nacay gaal
u ololaane
158)
Ehelkii nasaaroobay baa aaminoo
raba e
159)
Iyagow akhriyey qurunka ay nagu
afuufeene
160)
Illayl iyo dharaar bay baraan aragti shaydaane
161)
Askar weeye amarkooda bay aad
u sugayaane
162)
Halkii loo ishaaray durbaba orod ku gaadhaane
163)
Islaamkiyo waxaa lagu diraa eheladiisii e
164)
Ifki kama xishooodaan Inay been unkahayaane
165)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
166)
Amarkiyo axkaamtii Ilaah
167)
Cilmi uma aqoodeen kufriga aragtidiisii
e
168)
Bal maxay Islaam ula baxeen ways arkahayaane
169)
Arlo gaalo iimaan nin lihi kuma adkeysteene
170)
Ikhtiyaar ma yeeshoo hijraa la’is amraayaa e
171)
Meeshii Islaam jiro inuu aado
bay tahaye
172)
Haday afar yihiin waa inuu shan
ku ahaadaa e
173)
Iyaguna uluuf iyo uluuf bay
ku urureene
174)
Kuwii naarta loo uumay bay aga
wareegaane
175)
Waxaa loo adeegaa kuwii aayaddii
nacaye
176)
Irzaaq iyo wax laga dhowrayaa Amarki maalmeede
177)
Ubadkii lunshoo waxay bareen aragti
gaaleede
178)
Fidradii illowsiiye iyo iraddi
towxiide
179)
Iyagoo arkaayaa kufrigu ababinaayaa
e
180)
Daayeerro baa edeb bariyo uubatiyo
yey e
181)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
182)
Indho looma taageen kufriga aqalladiisii e
183)
Bal maxay la aadaamayaan aayaddii
nece e
184)
Bal maxay Islaam ula baxeen ways arka hayaane
185)
Haday dumar islaamnimo rabaan ways
asturayaane
186)
Oogadooda oo idilna waa owdanahayane
187)
Jalaabiibtu waa amar Alliyo Aayad
iyo diine
188)
“Axzaab” iyo waxay noogu taal aayadaha “nuur” e
189)
Akhlaaq waajibaysaa jirtiyo aqal
la joogaa e
190)
Aamuskiyo waxaa lagu yaqaan, erey
yaraantii e
191)
Afxumiyo ajnabi lala hadlay ka
istixyoodaane
192)
Ehelkana waxaan edeb ahayn, lama
ay aadaane
194)
Adkaartey badshaan oo cilmay urursanayaane
195)
aakhirkisa leylkay salaad ula
istaagaane
196)
Ilqabowsi weeyee Allow badi anwaacdooda
197)
Maantana adduun weys beddeley arrimihiisii e
198)
Dumar aan Ilaah iyo aqoon aayad
baa yimide
199)
Af guduudan, ooga qaawanoo aan indhaha laaban
200)
Illayl iyo dharaar bay sidii niman ordaayaane
201)
Orobbada indhaha beeshay bay isku
ekeeyeene
202)
Ilbaxnimo waxay moodayaan edeb
xumaantii e
203)
aqalkii lunshoo ubadki waa kala
irdhoobeene
204)
Jirri iyo waxay ababiyeen Ubadki
waallaa e
205)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
206)
Arrad aan ilaahoodu badin kuma
abaadeene
207)
Afka nooma buureen markii aayad
loo dhigo e
208)
Bal maxay Islaam ula baxeen weys arkahayaane
209)
wadaaddadi aqoon iyo
labiday aragti dheeraada
210)
inta badan abbaartii gafoo seege amarkii e
211)
mar horay ammaanadi lunsheen lagu ogsoonaa e
212)
axdigii ilaahood la
galay oofin
mahayaan e
213)
runta
214)
aayaduhu siday oranayeen kuma
iftoodaan e
215)
inbay muujiyaanoo inbay kaa
asturayaan e
216)
axbaartii yahuudowdey
bay dhaqan ekaadeen e
217)
ishraagiyo ifsaadkii jiray ka indho laabteene
218)
oraahbaa islaam lagu ahaan bay
aqrinayaane
219)
kuwii Naarta aadaayey bay sii
anbinayaae
220)
jano bay ansixiyeen inay aakhir
gelayaane
221)
irjaa bay islaam uga dhigeen asalladiisii e
222)
aqwaashii “Karraamiyadi” bay sii ilbixiyeen e
223)
“Jaham” kii inkaarraan jiray aragti raaceen e
224)
afkaar aan hor loo aragna waa soo ifbixiyeen e
225)
anbiyada ilaaheen diroo aayadaha
siiyay
226)
koodii ishraag fala “Jannada” lama ag geeyeen e
227)
“Sumar” iyo “ Ancaam”baa dhigoo la aqrinaayaa e
228)
maxaa loo inkiri waa quraan ereyadiisii
e
229)
ujeedooyinkood waa adduun inay
ku aayaan e
230)
orod bay waxay ugu jiraan ururintiisii
e
231)
ahdaaftoodi baa gaabatoo iishe
nimankii e
232)
owlaad iyo wax lagu faanayaa aqallo waaweyn e
233)
eygii “acraaf” lagu matalay aad
usoo baday e
234)
adduun lagama oon beelayee wow aqoon xumo e
235)
adoo u ijtihaadaaya bay go’i arwaaxdii e
236)
imtixaanna waa imanayaa olol
cadaabeed e
237)
ninka gaalo ehelsanahayoo ka agdhawaanaaya
238)
oo ururka towxiidka
wada xumi la
aadaaya
239)
afka kula dagaallamahayiyo addimadiisiiba
240)
islaamnimada uu sheegayaa aabi
sow ma aha?
241)
umaddaa ilaaheenna weyn diiddey
amarkiisa
242)
inta orobbo raacdiyo
intaa owliyada
tuugi
243)
afka waa kawada sheegayaan inay
islaameene
244)
shirkigana inay aamineen waa ogsoonnahaye
245)
ashahaado aan wadan ikhlaas waa
aqrinayaane
246)
kufri iyo islaamnimadi bay ururinaayaan
e
247)
ishraag iyo acmaal saalixay wada
adkeeyaan e
248)
maxabbada ilaah iyo ibliis waa
ka aragnaa e
249)
mana oga in iimaanku yahay udubka
towxiid e
250)
mana oga
ikhlaaskii inay eber ka joogaane
251)
mana oga acdaadii ilaah inay
ahaadeene
252)
mana oga inay ehel noqdeen ururki
shaydaane
253)
mar haday axwaashoodu tahay amar
la diidaayo
254)
diintiina laga iishayoo laga
ugaaroobay
255)
odayadu oraahday dheheen la
ixtiraamaayo
256)
iimaan ka guuree
miyay erey
ku liibaani?
257)
milladii ibraahiim
ka tegey Saatan ma
ahayne
258)
mushrik iyo midkii ehelsadaa waa isku axkaam e
259)
aayadaa is raacsheye annagu ma iftarooneyne
260)
Maa’ iddaan ku aragnaye maxaa nalagu eedeeyay?
261)
aayaduhu addillo weeye oo ku ambin maayaane
262)
waxay noo ishaareen inaan beri’ ahaanaa e
263)
iyagiyo ishraaggey wadaan ka
agfogaa naa e
264)
aayaddaanu raacnaye
maxaa nalagu
eedeeyay?
265)
odagii “Musaylama” markuu uunka luminaayey
266)
anbiyada ilaah iyo waxyiga ku
iftiroonaayey
267)
Abuu Bakar afcaashuu layimid waa ogsoonahaye
268)
ashahaadadoodiyo ma
dhugan ereyadoodii e
269)
khaalid oo amiiruu diriyo ururro
waa
270)
askartiisu waa tay kufriga eber
ka yeeleene
271)
waa lagu ammaanaye “Takfiir” kuma ahaaneyne
272)
asxaabtaanu raacnaye maxaa nalagu
eedeeyey?
273)
nimankii sakkada eeday oo aayadaha
diiday
274)
ashahaado waa qirahayeen inay
islaameene
275)
aadaan ma diideynin iyo amar
salaadeede
276)
Abuu Bakar oraahduu ka yiri waa
tan la ogaaye
277)
afka
278)
asaxaabadii buu
kacshiyo ururradiisii
e
279)
axad uga ogaal badan majirin arinka diineede
280)
waa lagu amaannaye “Takfiir” kuma ahaaneyne
281)
Siddiiq baa iftoodaye maxaa nalagu eedeeyey ?
282)
uswadeenni weeyee maxaa loola amakaagay ?
283)
maxaa nalagu eersaday hadaan raacnay amarkiisa?
284)
iimaan Allaa bixin karee edebta maan dhowrno
285)
286)
kuwii
287)
ashahaado waa qirahayeen inay
islaameene
288)
aadaan madiidaynin iyo amar
salaadeede
289)
markii uu inkiray waysagii oogta
wayn shidaye
290)
ololbuu ku riday gaalo waa cadow
ilaaheene
291)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
292)
amiirkaa iftoodaye maxaa nalagu eedeeyay ?
293)
waagii “tataar”ururay oo weerarka
ekeeyay
294)
aayadaha in bay diidayeen inay
adeecaane
295)
istikbaarka waa lagu ogaa umaradoodii
e
296)
afna waa ka sheeganahayeen inay
islaameene
297)
“ibnu taymiyaa” noo ahaa odaga
diineede
298)
ashahaadadoodiyo ma
dhugan ereyadoodiiye
299)
iftaduu ka yiri waa midaan lagu
illaawayne
300)
ololaha dagaal aad uwayn buu
abaabulaye
301)
ururkii
dagaallamahayuu awalka
taagnaa e
302)
unuunkay jareen waa kufaar buu
iftoon jiraye
303)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
304)
uswadeena weeye maxaa nalagu
eedeeyay?
305)
imaam Muxammad sida
uu ahaa waa ogsoonnahaye
306)
ishraaggii adduunkii ba’shuu aad uweeraraye
307)
owthaanna eber buu ka dhigay aqallo shaydaane
308)
addin iyo af buu
kala hortagey ururradoodii e
309)
islaambayna wada sheegayeen inay
ahaayeene
310)
shirkibuu arkaayee oraah
311)
marna
312)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
313)
kashfiguu allifay haatan baa la akhrinaayaa e
314)
eeg eega
iftiroonmayee waa
ogsoonahaye
315)
imaamkaannu raacnaye maxaa nalagu
eedeeyey?
316)
runta waa
abbaaraye maxaa loo asmici waayey?
317)
acmaal gaalo lama eego iyo
Ereyadoodii e
318)
aasaas markii loo dhisuu
Aqalku
joogaa e
319)
geedkuna ahaan waa
haddaan Xidid adkeyneyne
320)
asalki haduu go’o farcigu
Waa angagayaa
e
321)
masjid
lalama aadiyo
Salaad loo addimayaa e
322)
istiqfaarna loo diid
midkay Dhimasho eegtaa e
323)
illaahii abuuraa
niciyo anbiyadiisii e
324)
awalkii “bara,aa “
lagu dhigaye arag daliilkeeda
325)
mumtaxina waxaa laga aqriyay arrimo waaweyne
326)
haweentaan ilaaheed aqoon aaditaan
malehe
327)
ubad lalama yeelanahayiyo aqal
lajoogaa e
328)
geyaan kuu ahaan
meyso iyo sowjad aamina
e
329)
waxse lays amraayaa inaad ku
ijtihaadaa e
330)
Rabbi aayaddiisiyo labaro amarradiisii
e
331)
aqbalkii hadii laga la,yahay ood kasoo rogo,e
332)
albaabkaaga xiro waa Ibliis eheladiisii
e
333)
haweentii islaamtoo ilaah raacda
amarkiisa
334)
addoon weeye Rabbigeedna
waa inay addeecdaa e
335)
waa inay odaga reerka wada u
aqrinaysaa e
336)
iftiinkaa ubaxay waa inay arag
tiraahdaa e
337)
hadii uu inkiro oo islaam eegi kari waayo
338)
aqal uma dhisnaanaayo iyo ubad
lahaystaa e
339)
adeeg uma banaaniyo inay oori
noqotaa e
340)
waa inay arlada waasaca ah aayad
barataa e
341)
islaax
342)
istikbaar ibliis baa kugalay olol cadaabeede
343)
maxay eed kuleedahay haday aayadaha raacday?
344)
xaqqiibaa eryaayee maxaa loo ayidi waayay ?
345)
aqal dumaya oday ciil qabiyo ubad dhawaaqaaya
346)
imtixaan adduun gabadha waa ugu
fillaadaa e
347)
xaqse waa adkaadaa markuu uurka
kaa jiro e
348)
af markii u yahay waa midaan sii ahaan
Karin e
349)
Dabiixada
axkaamteedu waa amarro
diineede
350)
Islaam iyo waxaa loo shardaa magac ilaaheene
351)
Ehelkii kitaabada horaa la
istithnoodaa e
352)
Gaalada anwaacdeeda kale waa isku axkaam e
353)
“wamaa uhila”
ilaaheena weyn isinki
mooyaane
354)
afka haysku
saarina wixii uu ardaal qalo e
355)
mar haduu ilaah kale yaqaan oonti waa qurun e
356)
adkaar tiisa lama eego iyo ereyadiisii e
357)
Orobbana axqaaddii horaa aasan
waligeede
358) Waayo laga adkaa baa jiroo ciil
la ololeene
359) Utuntii ma deyn ee haday aarsanahayaane
360)
Uurkaa huraayoo Islaam eegan
mahayaane
361)
Tuugada iftiinkaa dhiboo uma
adkeystaane
362)
Argagixiso mooyee wax kale uma
arkaayaane
363)
Taariikhday aqoon aan yarayn ka
akhrinaayaane
364)
Islaam runa addoon noqon mayey aaminahayaane
365)
Inay orobbo suushey u baqi ururka
sheydaane
366)
Waayo bay waxay soo arkeen arrimo
waweyne
367)
Cumar iyo Abuu-Bakar Siddiiq ururradii
Khaalid
368)
Aabbaha Cubeydiyo ragguu
bixiyey iimaanku
369)
Eelkii qabsaday waayadey seeftu
ololeysey
370)
“Yarmuuk”
iyo “Ijnaadeyn” wixii
meydad urey yiillay
371)
Uluuf iyo uluuf buu u go’ay ururki
weynaa e
372)
Aakhiro rag doonaaya iyo aarar
baa helay e
373)
Argagaxa imbaradoorka helay uunku
wada yaabye
374)
Urdun
iyo Arligii khayrka qabay
orod ku sii dhaafye
375)
Sida loo eryadey buu ninkii ogiba
yaabaa e
376)
Waa akhbaar markii ay arkaan la il darraadaane
378)
Ifriiqiyiyo waa tii la tegey arligi weynaa e
379)
aasaaska qiirwaan markii udubka
loo tagay
380)
Istikbaarka gaalada ayey ka
istareexeene
381)
Atlaantigga ayaantii lategey, orobbo loo guurye
382)
Akhbaartuu ka tegey “Daariq”waa lama
illaawaane
383)
Quruun baa Andulus lagu xukumay aayad iyo diine
384)
Ardayday u soo diran jireen aqalladeennii e
385)
Amiirkii salaax oo kaley abid
ka yaabaane
386)
Allaah ha u arxamo waa Islaam inan rumaysnaa e
387)
Orobboo an kala harin markay weerar ka ekeysay
388)
Waa kii ogeysiis Jihaad aaladda
u sidey
389)
Saliib bay u ololeynayeen inuu
adkaadaa e
390)
Ha yeeshee Islaamkaa kor maray aayad
iyo seefe
391)
Ururkii “Xudeyn” buu ku jabay gaal
abaabulay e
392)
Waa tay arliga buuxiyeen meydadkii
uray e
393)
“Quddus buu awood uga furtiyo idin
Ilaahiise
394)
Usaariyo addoomuu ka dhigay orobbo
waagaa e
395)
Inyar baa wax lagu iibin jiray askarahoodii
e
396)
Ingiriisku odaygay wateen eedyey
kibirkii e
397)
398)
Oogadaa gariirtaa layiri odaga
maantaa e
399)
Istillaab anfici weydeyiyo seddex
ilaahiisa
400)
Aayar inuu isaga, guuro baa la
ogolaysiiyey
401)
Eelkuu ku dhigay “Faatix” waa lama illaawaane
402)
Istambuul awood uga heliyo aayad
iyo seefe
403)
Orobbada Bulqaan oo dhan baa raacday
amarkii
404)
“Owstarina” waa tii u tegey ololeheennii e
405)
Awood iyo aqoon waayadaa naguma
aadeyne
406)
Akhbaar weeye goortey arkaan la
il darraadaane
407)
Ciil bay la ololaan markay abid
xusuustaane
408)
Waa ashraar axqaad raagtey oo aasan kuu wada e
409)
Intay kaa rabaan waa adoo gaalka
aamina e
410)
Addoonkooda adigoo noqdiyo eyga
daba jooga
411)
Axkaamtooda adigoo bartoo aayaddii
naca e
412)
Adigoo umuuraha xarriman lagu
illowsiiyo
413)
Hadii ay intaa kaa helaan kuma
eryaayaane
414)
Ammaantaada bay badinayaan goor
iyo ayaane
415)
Adeerriyo waxay kuu ahaan ehelladaadii
e
416)
Afka bay ku siin iyo wuxuu uurku
kuu rabo e
417)
Asal raac hadaad noqoto iyo aayaddiyo diinta
418)
Argagixisadoodaa tihiyo wiil
irhaabiya e
419)
Waa ku wada ugaarsanahayaan, ururka
sheydaane
420)
waa ku wada unuun goynayaan
waa acdaa wuxu e
421)
Dad baa aaminaayoo u qaba ehelu
kheyrkii e
422)
Halkee orobbo loo mari
ayey uurka ku
hayaane
423)
Ubadkii rag baa geeyey iyo aabbihii
dhalay e
425)
Ahdaafteyda kii doonayow waa
islaamnimo e
426)
Uswadeydu nabigii Alliyo waa
anbiyadii e
457)
Annagaan nin iimaan ka lumay edeb ka dhowreyne
458)
Anbiyada afxumidii la yiri dhaaxa la ogsoone
459)
Uswo kale hadaynaan lahayn iyaga
mooyaane
461)
Xizbigii Ilaaheennu waa ehelka
Towxiide
462)
Ninkii xumi la eegana hayaa iishay
oo lumay e
463)
Islaam baan u jiraheynin iyo agab salaadeede
464)
Isagoon abaal u erganayn aakhiruu
imane
465)
Jaxiim ololi iyo waa la geyn edeg ciriiryoone
466)
Istillaabta ehelkeeda bay isku
arkaayaane
467)
Fircown iyo Abuu-Jahallo bay ollog wadaagaane
468)
Ibliis baa u wehel yeelayiyo ururradiisii e
469)
Ummaddaan awoodeedu waa aayaddoo
qura e
470)
Insilaakh haduu dhaco kufriga baa
la hoos imane
471)
Waa sunno ilaaheen dhigoon eexasho
aqoone
472)
Taariikhna waa laga akhriyey kii og baa garane
473)
Addunkana Islaam baa u hari waa
nusuus adage
474)
Afka laguma damin karo Iftiin uu Ilaah wado e
475)
Bi’idni-laahi iimaan ragloo aarsadaa
imane
476)
Bi’idni-laahi amarkii Alliyo aayaddaa talin
477)
Soomaali urur weyn
leh iyo aalad iyo xoogag
478)
aduunyada mar bay soo martoo waa
tan la ogaaye
479)
sida ay axwaashii ahayd nagama owdnayne
480)
afkaar gaalo laga keenay bay uunka
barayeene
481)
ishtiraaki yey
482)
ubadkey ilxaad iyo bareen erayadii
“liinan“
483)
“Maarkis“ baa abwaan laga dhigiyo gaalki
“Aangalis”e
484)
odayaa u heesiyo kuway
“Ubax”lahaayeene
485)
addoommada ilaahooda weyn
u ogolaan meyne
486)
“ Islaamkaa” la doon dooni jiray eheladiisii
e
487)
istikbaar arliga
lagu maraa aad usaa iday e
488)
is addoonsi baa jiri
jiriyo amar ku taagleyn e
489)
“Aabbow” waxay oron jireen oday an toosneyne
490)
na hoggaami abidkaaba
waan ku aqbalaynaa e
491)
in yaroo islaamtoo cilmiga aragtay
mooyaane
492)
waxay wada adeeceen kufriga
umaradiisii e
493)
dabadeed ilaah baa
ridoo eelki baa yimide
494)
aadane asbaab weeye
oo lagu adeegtaa e
495)
afganbiga ku dhacay waa ilaah amarradiisii
e
496)
isagaa albaabbada
uxiray eede nabadii e
497)
ummadaan islaamayn waxbaa lagu
asiibaa e
498)
waa sunno ilaaheen dhigoo aayadaa yiri e
499)
ciqaabaha ka iman
karaa ilaah waa uluuf badan e
500)
saddexdii “Ancaam”
bay iyagu ku ibtiloobeene
501)
isir isir ukala reeb
hadday urursanaayeene
502)
aalad buu isugu dhiibay iyo olol rasaaseed e
503)
eeyo waalan baa laga dhigiyo uubatiyo
weere
504)
Orobiyo Afrika yaabe
iyo Aasiyoo
idil e
505)
abaal marin cadli ah weeye
iyo reer istaahiley
e
506)
imtixaan rabbaani ah hadduu aadanaha
maago
507)
indhihii daboolnaa inbay arag uyeeshaane
508)
wax la eegi ururradu
inay dib u
islaamaane
509)
halka laga asiiba ma oga odoyadoodii
e
510)
istiqfaarsi laga waa inay dib isu eegaane
511)
amnigii ilaah qaaday
bay Orobo waydiine
512)
ehelkii nasaaroobay bay u
ashtakoodaane
513)
amag amag cidla ah bay hayaan umaradoodii e
514)
hadba ummad habawday
baryada u agfariistaane
515)
dowlad uu “Ibliis” talinayoo aayad laga dhowray
516)
Amriikaan addoon looyahay aad
usagayaane
517)
“Es” “Es” tooda badan gaalnimay tahay
astaanteede
518)
halka laga addoonsanahayaa laga
arkaayaa e
519)
iimaan hadday leeyihiin abid ma sheegteene
520) “Eldoreed”
ma aadeen kufriga aqalladiisii e
521) sidee
khayrba uga aaminnaa iishe nimankii e
522)
Allow talada ehel uma ahee aayar
naga leexi
523)
Allow aayaddaan doorannaye adigu
noo hiilli
524)
Allow sahal umuuraha adaan axadna moogeyne