Mubaahalo !!…
(1)
Mawlihii ku uumiyo haddaad
muxamad raacaysid
(2)
Oo aad muwaxid tahay waa ilaah mahadintiisiiy e
(3)
mushrik kii ku Oranaaya
baa
Seegay marinkiise
(4)
Isagaana kaa mudan inuu
magacu raacaa e
(5)
waxse maanka galiwaayay
baa
maalmahaan dhacay e
(6)
masjid muuqanayoo Illaah
Magacii loo taagay
(7)
Xumi loo maleegaayo
Ibliis
marinkii weeyaan e
(8)
Muslim laguma arag gaalse waa
laga maleeyaa e
(9)
Abrahii Maroodiga
watay
Maqallay Taariikh e
(10) iyo kii masaarida
dhiboo
riday madaafiic e
(11) Mufsidkii
kibraayaba allaa
maalin soo rida e
(12) iskumariya taariikhdu
waa
lagama
maarmaane
(13) Macna aanan garanaynin
baa loo
mintidayaa e
(14) Mooryaanta baa lagu
Ogaa
mahadha
ceebeed e
(15) Maryahaa Caddaadaye Qalbiga
waad ka mirirteen e
(16) Is miyiriya Yaan Mowlahay
idin Musiibeyn e
(17) murtadkiyo masiixiga
Kufriyey Uma midowdaan e
(18) Mulxid lumey hadduu yahay Arlada
wayska
marayaa e
(19) Mudug Uma raraysaan
Intaad meel ka noqotaan e
(20) Masjidkiyo maxaa idinku
direy Muwaxiddiintiisa
(21) Mad-habkii walaalkaa
haddaad Meel ka garan weydid
(22) Adigoo muftiga reerka
iyo
MucallimKoodii ah
(23) Minbar lagama Caytamo Xaq
baa Lamatalaayaa e
(24) Lama maago Aadmiga
Nimaan Maaddo kaa wadan e
(25) Murti malaha Xaajada nin kaan
Marag uyeeleyn e
(26) Munaadara Cilmi ah baa
Haboon lays maqlahayaa e
(27) Haddii aadse madal Laga
hadliyo Muranka diideysid
(28) aan Mubaahaloonee arlada
Meel inoo bixiya